Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediadiplomacy

Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal nabadeed. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Muqdisho uu yahay mid si weyn looga […]

SO
Sawir war oo la xiriira Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Midowga Yurub ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Muqdisho.

Maxaa la shaaciyey

  1. Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka Muqdisho.
  2. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal.
  3. Baaqa Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaallada.

Macnaha guud

Dagaalka ka socda Muqdisho ayaa keenay walaac weyn oo ku saabsan nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Dagaalka ka qarxay Muqdisho waa mid aad looga walaaco, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay.”

Francesca Di Mauro, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya
2026-06-04

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal nabadeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Muqdisho uu yahay mid si weyn looga walaacsan yahay, isla markaana laga xun yahay khasaaraha ka dhashay.

“Dagaalka ka qarxay Muqdisho waa mid aad looga walaaco, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay. Soomaalidu waxay u baahan tahay nabad, xasillooni iyo horumar. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadalka, si khilaafaadka loogu xalliyo si nabadgelyo ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Midowga Yurub ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, iyadoo la xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed si looga fogaado colaado hor leh oo saameyn ku yeesha shacabka Soomaaliyeed.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliadiplomacydiplomacysoomidowga
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.