Midowga Yurub oo dalab ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka. Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, balse uusan garab gaar ah ka raacsaneyn muranka taagan.
“Dhinac gaar ah dhinac kale kama doorbidno. Waxa aan dhiirrigelineyno waa wada-hadal,” ayay Di Mauro ku tiri wareysi ay siisay warbaahinta Dawan Media.
Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana looga baahan yahay dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan natiijooyin muuqda oo lagu sii wadi karo geeddi-socodka doorashooyinka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.