Natiijada doorashada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay – Yaa ku guuleystay
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu soo doortay goleyaasha wakiilada iyo deegaanka oo laga qabtay illaa 13 demo oo ka tirsan maamulkasi Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashooyinkan ay ka qayb-galeen 32 ur

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa shaaciyay natiijada doorashooyinkii Koonfur Galbeed, iyadoo xisbiga JSP uu helay 51 kursi.
Maxaa la shaaciyey
- Doorashooyinka waxaa ka qayb-galay 32 urur oo u tartamay golaha wakiilada.
- Cod-bixiyayaal gaaraya 132,430 ayaa ka qeyb qaatay doorashooyinka.
- Natiijada doorashada goleyaasha deegaanka ayaa sidoo kale la shaaciyay, iyadoo 297 kursi la tartamay.
Macnaha guud
Doorashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay xaaladda kala guurka.
“Lama oga in natiijadan ay aqbali doonaan ururada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashooyinka Koonfur Galbeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan natiijada doorashooyinka si ay u fahmaan isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacaya Koonfur Galbeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu soo doortay goleyaasha wakiilada iyo deegaanka oo laga qabtay illaa 13 demo oo ka tirsan maamulkasi
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashooyinkan ay ka qayb-galeen 32 urur, oo u tartamay golaha wakiilada, ayadoo ay codeeyeen illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka cod-bixinta ee guddiga doorashooyinka.
Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyay sida ay xisbiyada u kala heleen kuraasta golaha wakiilada oo ah 95, iyadoo kuraasta ugu badan uu helay xisbiga JSP.
1: Ururka JSP 51 kursi., 2: Ururka NPU 14 kursi, 3: Ururka Karaama 11 kursi, 4: Ururka SINCAD 6 kursi, 5: Ururka Tiir 3 Kursi, halka inta kale qaarkood ay heleen hal kursi, kuwana ma helin wax kursi ah, sida uu sheegay guddigga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan