NISA oo shaacisay xogta duqeymo culus oo lala beegsaday horjoogayaal Shabaab ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Howl-galladan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howl-gallo qorsheysan lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab gobolka Hiiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Howl-gallada ayaa ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.
- Duqeymaha ayaa lagu burburiyay teendhooyin, guryo, iyo gaadiid ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay.
- Horjooge Sadaam oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Mukayle.
“Howl-galladan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan tallaabooyinka dowladda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab si loo xoojiyo nabadgelyada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howl-galladan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.
Hay’adda ayaa sheegtay in howl-galladaasi, oo duqeymo ahaa, lagu dilay 26 xubnood oo ay ku tilmaamtay “dhagarqabayaal,” isla markaana lagu burburiyay xarumo, gaadiid iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo gaadiidka, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan