Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Oodweyne Mediageneral

Puntland oo beenisay digniin duufaano iyo roobab culusay oo ay faafisay hay’adda SODMA

Maamulka Puntland ayaa beeniyay digniin cimilo oo ay faafisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA), taasoo ka digaysay duufaano iyo roobab culus oo la sheegay inay saameyn karaan deegaano ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah xeebaha Soomaaliya inta u dhaxaysa 12-ka ilaa 17-ka May 2026. War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Gargaarka … The post Puntland oo

SO
Puntland oo beenisay digniin duufaano iyo roobab culusay oo ay faafisay hay’adda SODMA
Sawir / xog muuqaal ah · Oodweyne Media

Maamulka Puntland ayaa beeniyay digniin cimilo oo ay faafisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) oo ku saabsan duufaano iyo roobab culus laga filayo Puntland inta u dhaxaysa 12-ka ilaa 17-ka May 2026.

Maxaa la shaaciyey

  1. Digniinta SODMA ayaa lagu sheegay inay saameyn ku yeelan karto deegaano ka tirsan Puntland.
  2. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa xaqiijisay in digniintaasi aysan ahayn mid rasmi ah.
  3. Hay’adaha Puntland ayaa sameeyay hubin rasmi ah oo muujisay in xogta SODMA aysan ahayn digniin dowladeed.

Waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna go’aan qaatay.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland
Puntland
2026-05-14

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaqiiqda ku saabsan digniinaha cimilada si ay uga feejignaadaan khataraha dhabta ah.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Oodweyne Media

Maamulka Puntland ayaa beeniyay digniin cimilo oo ay faafisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA), taasoo ka digaysay duufaano iyo roobab culus oo la sheegay inay saameyn karaan deegaano ka tirsan Puntland iyo qaybo kamid ah xeebaha Soomaaliya inta u dhaxaysa 12-ka ilaa 17-ka May 2026.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka DPL ayaa lagu sheegay in digniintaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo la ansixiyay.

Hay’adaha Puntland ayaa sheegay inay sameeyeen hubin rasmi ah, ayna ogaadeen in xogta ay SODMA faafisay aysan ahayn digniin rasmi ah oo go’aan dowladeed laga gaaray.

“Waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah laguna go’aan qaatay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Isha: Oodweyne Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Oodweyne Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsodmadigniinfaafisay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.