Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somaligeneral

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la sii wado wada-hadalladii dhowaan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

SO
Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la sii wado wada-hadalladii dhowaan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la sii wado wada-hadalladii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Maxaa la shaaciyey

  1. Qaramada Midoobay waxay si dhow ula socotaa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
  2. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweynaya diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka.
  3. Qaramada Midoobay waxay muujisay muhiimadda is-afgaradka dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Macnaha guud

Warkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorashooyinka dalka.

Xoghayaha Guud wuxuu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-xaajoodka si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Soomaaliya
2026-05-19

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhaweynayo diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-xaajoodka si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ku gaaraan is-afgarad wadajir ah oo lagu xoojinayo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu hubinayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Warkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorashooyinka dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralgolahasoomaaliyeedmidoobay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.