Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga Ee Muqdisho
Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda lagu xusay Maalinta Qaranimada Talyaaniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa munaasabadda uga hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Talyaaniga maalintan muhiimka ah, isaga oo xusay xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibti

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda lagu xusay Maalinta Qaranimada Talyaaniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa munaasabadda uga hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Talyaaniga maalintan muhiimka ah, isaga oo xusay xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in maalintan ay xusuus gaar ah u leedahay shacabka Talyaaniga, maadaama ay ku beegan tahay sannad-guuradii aftidii la qabtay sanadkii 1946-kii, taas oo shacabka Talyaanigu ku doorteen in dalkoodu noqdo jamhuuriyad halkii uu ka ahaan lahaa boqortooyo.
“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka iyo madaxda Talyaaniga munaasabadda Maalinta Qaranimada. Soomaaliya waxay qiimeynaysaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan