Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u g

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Maxaa la shaaciyey
- Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan ka timid Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo u diray Danjiraha cusub, isagoo rajeeyay guul iyo in uu xoojiyo xiriirka labada dal.
- Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale u diray hambalyo Ra’iisul Wasaare cusub ee Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
“Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.”
Sababta ay muhiim u tahay: Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa muhiim u ah iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, taasoo saameyn ku yeelan karta xaaladaha gobolka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu Eebbe u fududeeyo shaqada culus ee markale loo igmaday.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan