Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Laascaanood
Ra'iisul Wasaare Xamse oo gaaray Laascaanood si uu ula qayb-galo sanad-guuraha koowaad ee Maamulka Waqooyi Bari. Socdaalka ayaa qayb ka ah iskaashiga dowladda federaalka iyo maamulka. The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Laascaanood first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ra'iisul Wasaare Xamse oo gaaray Laascaanood si uu ula qayb-galo sanad-guuraha koowaad ee Maamulka Waqooyi Bari. Socdaalka ayaa qayb ka ah iskaashiga dowladda federaalka iyo maamulka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Laascaanood, xarunta Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo uu kula soo biiray hoggaanka maamulka iyo dadweynaha si ay ugu dabaaldegaan sanad-guuraha koowaad ee asaaska maamulka . Waftiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirro ka socda xukuumadda, kuwaas oo maamulka ka fulinaya hawlo horumarineed iyo kuwo adeeg bulsho.
Socdaalkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu muujinayaa iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo Maamulka Waqooyi Bari, kaas oo la aasaasay sanad ka hor. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula qayb-galay munaasabado ay ka soo qayb-galeen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, iyadoo la qaban-qaabiyay kulamo dadweyne oo loogu dabaal-degayo sanad-guuraha koowaad.
Hoggaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa garoonka diyaaradaha, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen odayaasha dhaqanka, mas’uuliyiinta maamulka iyo dadweyne badan oo isugu soo baxay si ay u muujiyaan taageeradooda dowladda federaalka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.