Saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo oo aas qaran loogu sameeyay magaaladaasi
Baydhabo — Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo. Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku geeriyooday dagaaladii […]

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku shahiiday dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo.
Maxaa la shaaciyey
- Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
- Munaasabadda aas-qaran waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.
- Hoggaamiye Jibriil ayaa sheegay in saraakiisha shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka.
“Saraakiisha shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo sugidda amniga deegaanada Koonfur Galbeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xuso geerida saraakiisha si loo muujiyo taageerada iyo tacsida qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo — Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay deegaankaasi.
Munaasabadda aas-qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka, masuuliyiin ka socotay Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen saraakiishii geeriyootay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan