Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Shiinaha oo lagu wado inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Beijing — Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah oo ku dhowaad sagaal sano ah, iyadoo ay si weyn diiradda u saaran yihiin arrimo culus oo caalami ah. Booqashada ayaa la sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, […]

SO
Shiinaha oo lagu wado inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Shiinaha ayaa martigelinaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadiisii ugu horreysay tan iyo 2017.

Maxaa la shaaciyey

  1. Booqashada Trump ayaa diiradda saari doonta colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, canshuuraha iyo tiknoolajiyadda sare.
  2. Wafdiga Trump waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.
  3. Kulanka Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka dhici doona Hoolka Dadka ee Beijing.

arrimo waaweyn

Marco Rubio, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Pete Hegseth, Xoghayaha Difaaca, Scott Bessent, Xoghayaha Maaliyadda
Beijing
2026-05-13

Sababta ay muhiim u tahay: Booqashadan waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, oo ah labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Beijing — Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah oo ku dhowaad sagaal sano ah, iyadoo ay si weyn diiradda u saaran yihiin arrimo culus oo caalami ah.

Booqashada ayaa la sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, canshuuraha iyo tiknoolajiyadda sare. Trump ayaa la qorsheeyay inuu gaaro caasimadda Beijing Arbacada, ka hor inta uusan u gudbin hoteelkiisa.

Mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa la socda wafdiga, halka Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent uu si gaar ah ugu biiri doono wadahadallada Beijing.

Shiinaha ayaa sidoo kale cunaqabateyn hore ugu saaray Rubio sanadkii 2020, balse Beijing ayaa caddeysay in arrintaasi ay la xiriirtay waqtigiisii Senatarnimo.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmareykankamadaxweynahamartigeliyo
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.