Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho — Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed iyo beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay iyo arrimaha siyaasadda dalka. Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed […]

SO
Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka dhacaya Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed, iyo beesha caalamka ayaa maanta ka furmaya Muqdisho.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shirkan ayaa lagu doonayaa in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay.
  2. Dowladda Federaalka waxaa ku matalaya Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Jaamac.
  3. Mucaaradka waxaa matalaya Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Macnaha guud

Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Samata-bixinta Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac, Madaxweynihii hore ee dalka, Sharif Sheikh Ahmed +2
Muqdisho
2026-05-13

Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho — Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed iyo beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay iyo arrimaha siyaasadda dalka.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira habraaca doorashooyinka iyo hannaanka iyo Datuurkii hore oo ay dowlada laashay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac.

Dhinaca mucaaradka, waxaa matalaya Madaxweynihii hore ee dalka, Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Xoghayaha Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralfederaalkabeeshamuqdisho
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.