Shirka berri ka dhacaya Xalane oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,…
Berri, kulan xasaasi ah ayaa ka dhacaya Xalane oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta JOCC, waxaana ka qeyb galaya Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
- Wakiillo ka socda beesha caalamka iyo dowladaha reer galbeedka ayaa ka shaqeynaya qabanqaabada kulanka.
- Dhinacyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay hannaan aan ku dhisnayn wadatashi iyo heshiis siyaasadeed.
Macnaha guud
Kulankan ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.
“Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale door muuqda ku yeelan doona wada-hadallada.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan isbedelada siyaasadeed ee saameynaya doorashooyinka dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saarayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka iyo sidii is-afgarad looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan.
Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta JOCC, waxaana qabanqaabadiisa iyo isku keenistiisa si weyn uga shaqeynaya wakiillo ka socda beesha caalamka iyo dowladaha reer galbeedka, kuwaas oo dadaal ugu jira in xal siyaasadeed laga gaaro muranka hareeyay hanaanka doorashada.
Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale door muuqda ku yeelan doona wada-hadallada, iyadoo dhinaca dowladda Federaalka ay kulanka uga qeyb geli doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.
Dhanka Golaha Mustaqbalka waxaa la filayaa inay matalaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan