SoDMA iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaaladaha Bani’aadannimo Ee Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah ee lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka. Kula

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, ayaa guddoomiyay kulanka billaha ah ee lagu falanqeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda OCHA iyo SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada gargaarka si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshada nugul.
Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bahda gargaarka bani’aadannimada, si loo hubiyo in gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda kulamadan joogtada ah ay u leeyihiin isku-duwidda iyo dardargelinta howlaha bani’aadannimo ee dalka, isagoo tilmaamay in wada-shaqeyn dhow ay laf-dhabar u tahay gaarsiinta adeegyo iyo gargaar wax ku ool ah bulshada u baahan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan