Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Soomaaliya oo wajahaysa halista cudurka Ebola ee ku sii fidaya Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la […

SO
Sawir war oo la xiriira Soomaaliya oo wajahaysa halista cudurka Ebola ee ku sii fidaya Afrika
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, iyadoo Soomaaliya ay wajahdo halis caafimaad.

Maxaa la shaaciyey

  1. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurka Ebola.
  2. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka, iyadoo aan la arkin habraac rasmi ah oo lagu baarayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.
  3. Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa laga hirgelinayaa baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka.

Macnaha guud

Cudurka Ebola ayaa haatan ka dilaacay Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaana la filayaa in Soomaaliya ay wajahdo khatar caafimaad haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah.

WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.

Soomaaliya
2026-05-21

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan khatarta cudurka Ebola si ay u qaadaan taxaddarro caafimaad.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la arkin hannaan rasmi ah oo lagu baarayo ama lagu diiwaan-gelinayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.

Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan kan Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga hirgelin xarumo ama baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka kasoo degaya duulimaadyada ka imanaya Uganda iyo dalalka kale ee laga helay kiisaska cudurkan.

Uganda oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa maalin kasta waxaa kasoo dega duulimaadyo rayid iyo kuwo militari, kuwaasi oo aan weli la marsiin habraacyo adag oo caafimaad, inkastoo WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralebolasoomaaliyaafrika
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.