Taliyaha Ciidanka XDS iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo kawada hadlay Aminiga Baydhabo
Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir muhiim ah oo amniga looga hadlayay ku guddoomiyay magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida […]

Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa shir amni ku yeeshay Baydhabo.
Maxaa la shaaciyey
- Shirka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Baydhabo iyo caqabadaha jira.
- Taliyaha Ciidanka XDS ayaa faray saraakiisha in la laba jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga.
- Mas'uuliyiinta ayaa diiradda saaray muhiimadda adkeynta nabadgelyada magaalada.
“Mas’uuliyiinta ayaa diiradda saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta nabadgelyada magaalada.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo amniga Baydhabo si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee deegaanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir muhiim ah oo amniga looga hadlayay ku guddoomiyay magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala magaalada Baydhabo, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa diiradda saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta nabadgelyada magaalada iyo dardargelinta howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida guud ee Baydhabo.
Intii uu socday kulanka, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha faray in la laba jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga, lana xoojiyo isku dubbaridka howlgalada si looga hortago khataraha amni ee jira.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan