Turkiga oo taankiyo, diyaarado dagaal iyo hubkii ugu cuslaa siiyay ciidamada Gorgor
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ballaarisay barnaamijka tababarka milateri ee ay siiso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyadoo markii ugu horreysay lagu daray isticmaalka taankiyada culus iyo gaadiidka gaashaaman. Tallaabadan ayaa muujineysa in tababarka ciidamada Gorgor uu ka gudbayo howlgaladii hore ee ku koobnaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, weerarrada [&#

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ballaarisay barnaamijka tababarka milateri ee ay siiso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyadoo markii ugu horreysay lagu daray isticmaalka taankiyada culus iyo gaadiidka gaashaaman.
Tallaabadan ayaa muujineysa in tababarka ciidamada Gorgor uu ka gudbayo howlgaladii hore ee ku koobnaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, weerarrada degdegga ah iyo xeeladaha ku dhufoo ka dhaqaaqda, una wareegayo dagaal dhul oo culus oo ku dhisan taankiyo, gaadiid gaashaaman iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran.
Warbixin lagu daabacay bogga Military Africa ayaa sheegtay in ciidamada Gorgor hadda loo diyaarinayo awood cusub oo ka mid ah dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli Muqdisho ay isku diyaarineyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga gudaha ee dalka.
Tababarka cusub waxaa loo qeybiyay laba waddo. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixinayaa xarunta tababarka milateri ee TurkSom ee Muqdisho, halka qeybta kale lagu bixinayo xarumaha gaarka ah ee ciidamada kumaandooska Turkiga ku leeyihiin magaalada Isparta ee dalka Turkiga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.