Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Ururka FSON ee Netherlands oo badbaadiyay in la gubo meydadka Soomaalida

Amsterdam (Caasimada Online) – Muddoyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay dhibaatooyin soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands, kuwaas oo la xiriira duruufo kala duwan oo dhinaca dhaqanka, nolosha iyo deegaanka ah. Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin kala duwan m

SO
Sawir war oo la xiriira Ururka FSON ee Netherlands oo badbaadiyay in la gubo meydadka Soomaalida
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Ururka Somalische Federatie Organisatie (SFON) ayaa ka hortagay in la gubo meydadka Soomaalida, iyadoo la kaashanaysa maamullada degmooyinka Netherlands.

Maxaa la shaaciyey

  1. Guddoomiyaha SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin marka qof geeriyoodo.
  2. Maamullada degmooyinka ayaa mararka qaar soo jeediya in meydka la gubo, taasoo ka dhalatay kharashka duugista.
  3. SFON waxay ka caawisaa qoysaska inay la xiriiraan dawladda hoose si ay u helaan taageero.

Macnaha guud

Dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands ayaa sababay in SFON ay qaado tallaabooyin ka hortag ah.

Arrinta gubidda meydka waxay si toos ah uga hor imaanaysaa caqiidada Islaamka, sharafta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Abdikadir Ali Nuune, Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie
Netherlands

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan dhibaatooyinka la xiriira aaska iyo sida ururada ay u caawiyaan.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Amsterdam (Caasimada Online) – Muddoyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay dhibaatooyin soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands, kuwaas oo la xiriira duruufo kala duwan oo dhinaca dhaqanka, nolosha iyo deegaanka ah.

Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin kala duwan marka qof ehelkooda ka mid ah, ama qof asal ahaan Soomaali ah, uu geeriyoodo. Arrintan ayuu sheegay inay inta badan ka timaaddo aqoon-darro bulshada ka haysata nidaamka dalka iyo hab-raacyada aaska.

Mararka qaar, ayuu sheegay, maamullada degmooyinka waxay soo jeediyaan in meydka la gubo, maadaama duugistiisu ay kharash badan ku kacdo. Arrintaas oo kale, ayuu tilmaamay, waxay u baahan tahay in ururrada Soomaalidu bulshada ku baraarujiyaan, isla markaana loo tilmaamo in ay jiraan caymisyo qaabilsan aaska iyo asturidda meydka.

Guddoomiyaha SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa xusay in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xilligan haysata bulshada Soomaalida ay tahay sida loo maareeyo meydka qofka marka uu geeriyoodo. Aqoon-darrada baahsan ee dhinaca shuruucda dalka iyo hab-raaca aaska ayaa keentay in qoysas badan ay hay’adda SFON ka caawiso sidii ay ula xiriiri lahaayeen dawladda hoose ee Gemeente, si ay u helaan taageero dhinacyo kala duwan leh.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralnetherlandsururkafson
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.