Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wargeyska Dawangeneral

Wadajirka Ciidanka Booliska iyo Shacabka Somaliland Waa Laf-dhabarta Amniga, Nabadda iyo Xasiloonidda Qaranka

Qore Axmed M. Saleebaan Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey xirfad, dedaal joogto ah, iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaastii habeen hore laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Hargeysa, iyadoo

SO
Wadajirka Ciidanka Booliska iyo Shacabka Somaliland Waa Laf-dhabarta Amniga, Nabadda iyo Xasiloonidda Qaranka
Sawir / xog muuqaal ah · Wargeyska Dawan

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa si degdeg ah uga jawaabay rasaas habeen hore laga maqlay Hargeysa, iyadoo qaar ka mid ah eedaysanayaasha la soo qabtay.

Maxaa la shaaciyey

  1. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay kaalin weyn ka qaateen sugidda amniga.
  2. Ciidanka Boolisku waxay muujinayaan xirfad, daacadnimo, iyo go'aan adag si loo xaqiijiyo nabadgelyada.
  3. Wadajirka bulshada iyo ciidanka Booliska ayaa ah laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida dalka Somaliland.

Caasimada xalay (habeen hore) waxa ka dhacay rasaas ay rideen eedaysanayaal ay Ciidanka Boolisku aqoonsadeen.

Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil
Hargeysa
2026-05-13

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan doorka muhiimka ah ee ciidanka iyo shacabka ee sugidda amniga Somaliland.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wargeyska Dawan

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey xirfad, dedaal joogto ah, iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaastii habeen hore laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Hargeysa, iyadoo eedaysanayaashii qaarkood lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro soo qabashadooda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka muhimka ah ee shacabka Somaliland ee ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee qaranka, isaga oo tilmaamay kaalintii weynayd ee shacabku ka qaateen hawlgalkan amni. Waxa uu ku amaanay wada-shaqaynta iyo dadaalkooda joogtada ah ee lagu ilaalinayo nabadgelyada, isagoo caddeeyey sida wadajirka bulshada iyo ciidanka Boolisku uu laf-dhabarta ugu yahay amniga guud.

“Caasimada xalay (habeen hore) waxa ka dhacay rasaas ay rideen eedaysanayaal ay Ciidanka Boolisku aqoonsadeen, qaar kamid ahna lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro. Shacabka Somaliland ayaa naga caawiyey hawlgalkaas, waxaana ku dhiirrigelinayaa wada-shaqayntooda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Isha: Wargeyska Dawan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wargeyska Dawan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsomalilandciidankabooliska
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.