Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.

SO
Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Baydhabo, iyadoo lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan.

Maxaa la shaaciyey

  1. Howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.
  2. Ciidanka ayaa burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro.
  3. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.

Macnaha guud

Kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij ayaa shalay subax weerar gaadmo ah ku qaaday ciidan ku howlanaa sugidda amniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca Qaranka intii uu socday weerarkii shalay.

Duleedka Baydhabo
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama malleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.

Warka ayaa lagu yiri”Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralduleedkabaydhabogaashaandhigga
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.