Wasiir Fiqi “Mucaaradka gacmaha ayaa la idinka jabinayaa” + Qeyla dhaanta mucaaradka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in […] The post Wasiir Fi

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad u jeediyay mucaaradka, isagoo sheegay in gacmaha la jabin doono haddii ay hubeysan yihiin.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay.
- Wasiirku wuxuu xusay dhacdadii September ee sanadkii hore, halkaas oo koox mucaarad ah ay weerar ku qaadeen saldhigga Degmada Wardhiigley.
- Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay hadalka Wasiir Fiqi, waxayna ku baaqeen in ciidamada qalabka sida ay ilaaliyaan dastuurka.
Macnaha guud
Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa korodhay ka dib mudo xileedkii dowladda oo ku ekaa 15-ka May.
““Maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hanjabaadaha ka imaanaya dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in gacmaha la jabin doono cideey doonto ha ahaado.
“Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, walaa xoogga dalka, nabadsugid iyo boolis, haddii la idiin soo weerarayo af-xumadiina iyo dhaqan xumadiina mar hore la qaban lahaa, cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Faqi.
“Hadalkaygii maanta waxaa uu tilmaamayay dhacdo laga soo gudbay oo kooxdani ay si bareer ah ku weerareen ayagoo hubaysan saldhigga Degmada Wardhiigley sanadkii hore bishii September, oo dawladdu aysan ka falcelin weerarkoodii, haddii laga falcelin lahaana uu xaalku intaas ka xumaan lahaa” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan