Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubad Suugule. Wasiirka ayaa ka guddoomay Danjiraha nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed, taas oo si rasmi ah u xoojinaysa shaqadiisa cusub ee di

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jabuuti, Cismaan Dubad Suugule.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka ayaa ka guddoomay Danjiraha nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
- Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.
“Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid sii adkeynaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti si loo horumariyo amniga iyo iskaashiga gobolka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubad Suugule.
Wasiirka ayaa ka guddoomay Danjiraha nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed, taas oo si rasmi ah u xoojinaysa shaqadiisa cusub ee diblomaasiyadda.
Labada dhinac ayaa kadib yeeshay kulan diiradda lagu saaray xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, amniga gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid sii adkeynaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la filayo in la kordhiyo wada shaqeynta dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka gobolka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan