Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga

May 22(Jowhar)Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu. Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyi

SO
Sawir war oo la xiriira Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Mudane Ayub Ismail Yusuf, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Maxaa la shaaciyey

  1. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
  2. Wasiirka Turkiga ayaa muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go'an tahay taageerada Soomaaliya.
  3. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta wada shaqeynta.

Dowladda Turkigu waxay ka go'an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Wasiir Ayub Ismail Yusuf, Wasiir Abdulkadir Uraloglu
Ankara
2026-05-22

Sababta ay muhiim u tahay: Kulankan ayaa muhiim u ah Soomaaliya maadaama uu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhismaha iyo horumarinta.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 22(Jowhar)Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Ankara Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Dowladda Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu.

Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo lataliyeyaal ka socday labada wasaaradood. Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka, guriyeynta casriga ah, qorsheynta magaalooyinka iyo hubinta tayada dhismayaasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Mudane Abdulkadir Uraloglu, ayaa ugu horeyn si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida Dowladda Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska.

Dhankiisa, Wasiirka Hawlaha Guud XFS, Mudane Ayub Yusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay khibradda iyo aqoonta horumarsan ee Turkiga, gaar ahaan dhinacyada injineernimada iyo maamulka mashaariicda waaweyn. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya ay doonayso in injineerada iyo shaqaalaha wasaaradda laga faa’iideeyo tababarrada iyo aqoonta ay leeyihiin khubarada Turkiga, si ay door muuqda uga qaataan dib-u-dhiska dalka.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralguuddhismahasoomaaliya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.