Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Xog: Lacago laaluush ah oo garoonka Muqdisho looga qaado dadka u dhoofa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay eedeymo ku saabsan musuq baahsan oo ka dhex jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah albaabka ugu weyn ee dalka laga galo, lagana dhoofo. Sida ay sheegeen dad kala duwan oo u dhoofayay dalka Masar, waxaa lacago sharci-darro ah looga qaatay gudaha […] The post Xog: Lacago laaluush ah

SO
Sawir war oo la xiriira Xog: Lacago laaluush ah oo garoonka Muqdisho looga qaado dadka u dhoofa…
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Muqdisho waxaa ka socda musuq baahsan oo lacago laaluush ah looga qaado dadka u dhoofa Masar, iyadoo lacagahaasi ay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.

Maxaa la shaaciyey

  1. Dhalinyarada u safraya Masar ayaa lagu cadaadiyaa inay bixiyaan lacag laaluush ah si ay u fududeeyaan safarkooda.
  2. Lacagaha laaluushka ah ayaa lagu shubaa taleefanka qofka ka shaqeynaya qeybaha baarista ama socdaalka ee garoonka.
  3. Kooxo isku xiran ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliya tahriibka, iyagoo ballanqaadaya inay daboolayaan qarashaadka safarka.

Macnaha guud

Eedeymahan ayaa soo baxay kadib markii ay furantay waddada tahriibka ee dhalinyarada Soomaaliyeed uga sii gudbaan Masar.

Lacagaha laga qaado dadkaas ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.

Muqdisho
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay muujinaysaa dhibaatooyinka musuqmaasuqa iyo tahriibka ee ka jira garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo saameyn ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay eedeymo ku saabsan musuq baahsan oo ka dhex jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah albaabka ugu weyn ee dalka laga galo, lagana dhoofo.

Sida ay sheegeen dad kala duwan oo u dhoofayay dalka Masar, waxaa lacago sharci-darro ah looga qaatay gudaha garoonka, inkastoo aysan wax dhibaato ah ka jirin dokumentiyadooda safarka. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inay diideen bixinta lacagaha ay ku tilmaameen laaluush.

Dadka sida gaarka ah loo beegsado ayaa lagu sheegay dhalinyarada u safraysa Masar, gaar ahaan kuwa lagu tuhmo inay halkaas uga sii gudbayaan waddada tahriibka ee loo maro Liibiya iyo badda Mediterranean-ka. Lacagaha laga qaado dadkaas ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.

Dhalinyarada u dhoofaysa Masar ayaa, sida ay dadka safarka ah sheegeen, mararka qaar la weydiiyaa sababta safarkooda iyo qof damiin ka ah. Hase yeeshee, dadka lagu tuhmo tahriibka ayaa inta badan ku adkaata inay helaan qof damiinan kara, taas beddelkeedana waxaa lagu cadaadiyaa inay bixiyaan lacag laaluush ah si loogu fududeeyo safarkooda.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliagenerallaaluushloogaxog
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.