Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Xog: Villa Somalia oo wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay billowday olole siyaasadeed oo ay ku dooneyso in Baarlamaanka Federaalka, oo mucaaradku ku tilmaamayo mid waqtigiisii dhammaaday, mar kale fadhi la isugu keeno. Qorshaha Villa Somalia ayaa ah in tallaabadaas la qaado marka la soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, […]

SO
Sawir war oo la xiriira Xog: Villa Somalia oo wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Villa Somalia ayaa wadda qorshe lagu dooranayo guddoon cusub oo baarlaman kadib doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maxaa la shaaciyey

  1. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Baarlamaanka Federaalka la isugu keeno si loo doorto guddoomiye cusub.
  2. Doorashada guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa in la guda galo laba toddobaad gudahood kadib doorashada Baydhabo.
  3. Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in muddada Baarlamaanka ay ku ekeyd 14 April 2026, halka dowladda federaalkuna ay sheeganayso in muddada ay tahay ilaa 15 May 2027.

Macnaha guud

Muranka siyaasadeed ee ka taagan sharciyadda hay’adaha federaalka ayaa sababay in qorshahan la sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in muddada Baarlamaanka Federaalka, dowladda federaalka iyo xilka madaxweynenimada ay ku eg tahay May 2027.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe
Muqdisho
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay saameyn ku yeelan kartaa xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay billowday olole siyaasadeed oo ay ku dooneyso in Baarlamaanka Federaalka, oo mucaaradku ku tilmaamayo mid waqtigiisii dhammaaday, mar kale fadhi la isugu keeno.

Qorshaha Villa Somalia ayaa ah in tallaabadaas la qaado marka la soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo la filayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, uu ku soo baxo doorashada ka dhaceysa Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay markaas kaddib diyaarin doonto fadhi uu yeesho Baarlamaanka Federaalka, si loo doorto guddoomiye cusub oo beddela Aadan Madoobe, haddii uu ku guuleysto hoggaanka Koonfur Galbeed.

Qorshaha ayaa dhigaya in doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka la guda galo muddo laba toddobaad gudahood ah kaddib marka la soo afjaro doorashada Baydhabo.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralvillasomaliaxog
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.