Xubnaha Guddiga-hoosaadka Wax-soo-saarka ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta si habsami leh uga qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shir ay yeesheen oo heer Agaasimayaal Guud ah
Wax-soo-saarka Soomaaliya oo dardargalaya – Agaasimayaasha oo isku raacay Muqdisho, 24 May 2026 – Xubnaha Guddiga-hoosaadka Wax-soo-saarka ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta si habsami leh uga qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shir ay yeesheen oo heer Agaasimayaal Guud ah, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta wax-soo-saarka dalka, xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda, iyo m
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wax-soo-saarka Soomaaliya oo dardargalaya – Agaasimayaasha oo isku raacay
Muqdisho, 24 May 2026 – Xubnaha Guddiga-hoosaadka Wax-soo-saarka ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta si habsami leh uga qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shir ay yeesheen oo heer Agaasimayaal Guud ah, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta wax-soo-saarka dalka, xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda, iyo mideynta dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Shirkani wuxuu yimid xilli Soomaaliya ay fulinayso Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo u baahan isku-xirnaan dhexdhexaad ah oo ka dhexeysa wasaaradaha beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, qorsheynta, ganacsiga, caafimaadka, deegaanka, iyo Hay’adda SARIS. Isku-duwidda ayaa lagu arkaa fure u gaaritaanka koboc dhaqaale oo waara iyo shaqo-abuur.
“Waa lagama maarmaan in la mideeyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara, loona abuuro jawi dhiirrigeliya maalgashi, shaqo-abuur, iyo horumar loo dhan yahay,” ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Abdirizak Ibrahim oo guddoomiyay shirka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.