تَبَارَكَ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡفُرۡقَانَ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦ لِيَكُونَ لِلۡعَٰلَمِينَ نَذِيرًا
Waxaa Barako iyo Khayr badan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka kala saara Xaqa iyo baadilka) addoonkiisa (Nabiga) si uu ugu noqdo caalamka dige.
Faallooyinka tarjumaha
1. Al-Furqaan waa Magac kale ee lagu magacaabo Qur’aanka, macnaha Al-Furqaan waxaa weeye kala saaraha runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta, xalaasha iyo xaaraanta. 2. Ku soo dejiyey addoonkiisa, waxaa loola jeedaa addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w. waana sharfid sidaas.