U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha52 / 114

SUURADDA 52 · 49 AAYADOOD

Ad-duur

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الطور

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
52:1

وَٱلطُّورِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Buurta (Siinaay).

Faallooyinka tarjumaha

1. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.

52:2

وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ

Iyo Kitaabka qoran.

Faallooyinka tarjumaha

2. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka

52:3

فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ

Ee ku qoran warqado la fidiyey.

52:4

وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ

Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto.

Faallooyinka tarjumaha

3. Waa Beydka Ilaahay ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.

52:5

وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ

Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

52:6

وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ

Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda).

Faallooyinka tarjumaha

4. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.

52:7

إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ

Cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

52:8

مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ

Ma jiro wax celin.

52:9

يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا

Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,

52:10

وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا

Buuruhuna socon socosho (yaab) leh.

Faallooyinka tarjumaha

5. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.

52:11

فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ

Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

52:12

ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ

Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.

52:13

يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا

Maalinka loogu tuuri NaartaJahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):

52:14

هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

Waa tan Naartii aad beenin jirteen.

52:15

أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ

Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?

52:16

ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).

52:17

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّـٰتٖ وَنَعِيمٖ

Kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale sida zinada, ribada, xasadka, xatooyada, dilka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm) waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

52:18

فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ

Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.

52:19

كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

(Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

52:20

مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٖ مَّصۡفُوفَةٖۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ

Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

52:21

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٖۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٞ

Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.

52:22

وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٖ وَلَحۡمٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ

Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.

52:23

يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسٗا لَّا لَغۡوٞ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٞ

Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

52:24

۞وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٞ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٞ مَّكۡنُونٞ

Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.

52:25

وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.

52:26

قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ

Waxay odhan: Waxaan ka hor (intaan adduunka joognay)ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada(cadaabka Ilaahay).

52:27

فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ

Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

52:28

إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ

Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Baarriga, Naxariista Badan.

52:29

فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٖ وَلَا مَجۡنُونٍ

Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

52:30

أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٞ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ

Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman.

Faallooyinka tarjumaha

6. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.

52:31

قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ

Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).

52:32

أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ

Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

52:33

أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ

Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

52:34

فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٖ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ

Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.

52:35

أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ

Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.

52:36

أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ

Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.

52:37

أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ

Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

52:38

أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٞ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ

Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.

52:39

أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ

Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

52:40

أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ

Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?

52:41

أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ

Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.

52:42

أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدٗاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ

Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.

52:43

أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ

Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Xurmoo dhan waxaa iska leh Alle oo ka hufan waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

52:44

وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطٗا يَقُولُواْ سَحَابٞ مَّرۡكُومٞ

Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).

Faallooyinka tarjumaha

7. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Ilaahay, sida ay dalbadeen ah.

52:45

فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ

Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).

52:46

يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ

Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.

52:47

وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابٗا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

Waxay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi) badankooduse ma ay oga.

Faallooyinka tarjumaha

8. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin. Iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.

52:48

وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ

Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.

52:49

وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ

Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).

← Ad-daariyaatAn-najm →
Ad-duurMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda