U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha82 / 114

SUURADDA 82 · 19 AAYADOOD

Al-infidaar

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الإنفطار

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
82:1

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ

Markay samada dildillaacdo.

82:2

وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ

Oo xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.

82:3

وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ

Oo badaha laysku furo.

82:4

وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ

Oo qabuuraha la soo qufo.

82:5

عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ

Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib dhigatay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).

82:6

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ

Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?

82:7

ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ

Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?

82:8

فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ

Suuradduu doonana kuu sameeyey?.

82:9

كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ

Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).

82:10

وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ

Waxaa korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.

82:11

كِرَامٗا كَٰتِبِينَ

Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),

82:12

يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ

Ogsoon wax kastoo aad fashaan.

82:13

إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ

Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).

82:14

وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ

Xume falayaashuna waxay ku sugnaan Naar ololaysa.

82:15

يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ

Ay geli Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).

82:16

وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ

Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).

82:17

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Oo maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:18

ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:19

يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ

(Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.

← At-takwiirAl-mudaffifiin →
Al-infidaarMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda