U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha87 / 114

SUURADDA 87 · 19 AAYADOOD

Al-aclaa

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الأعلى

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
87:1

سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى

Xurmo weynee oo ku tasbiixso (ka huf xumaan) Magaca (Alle) Rabbigaa ee Sarreeya.

87:2

ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ

Ee abuuray (uunka) oo hagaajiyey.

87:3

وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ

Oo wax walba qaddaray, jidkana tusiyey.

87:4

وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ

Oo ah Kan soo saara daaqa.

87:5

فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ

Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

87:6

سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ

Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

87:7

إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ

Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

87:8

وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ

Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

87:9

فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ

Ee waani, markay wax tari waanadu.

87:10

سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ

Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

87:11

وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى

Waxaa ka fogaan (waanada) qofka xun.

87:12

ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ

Kaasoo geli Naar weyn.

87:13

ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ

Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

87:14

قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ

Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

87:15

وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ

Oo xusa Magaca (Alle) Rabbigi oo salaadda tukada.

87:16

بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا

Waxayse door biddaan nolosha adduunkan;

87:17

وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ

Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.

87:18

إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ

Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

87:19

صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ

Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.

← Ad-daariqAl-qaashiyah →
Al-aclaaMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda