U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha89 / 114

SUURADDA 89 · 30 AAYADOOD

Al-fajr

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الفجر

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
89:1

وَٱلۡفَجۡرِ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay waaberiga,

89:2

وَلَيَالٍ عَشۡرٖ

Iyo habeennada tobanka ah.

Faallooyinka tarjumaha

1. Tobanka maalmood ee u horreeya bisha Arrafo (Xajka).

89:3

وَٱلشَّفۡعِ وَٱلۡوَتۡرِ

Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).

89:4

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَسۡرِ

Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.

89:5

هَلۡ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٞ لِّذِي حِجۡرٍ

Miyey dhaarahaasi (Alle) ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?

89:6

أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ

Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?

89:7

إِرَمَ ذَاتِ ٱلۡعِمَادِ

Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa (sidoo kale lahaa dhismooyin dhaadheer iyo waddooyin habeysan).

89:8

ٱلَّتِي لَمۡ يُخۡلَقۡ مِثۡلُهَا فِي ٱلۡبِلَٰدِ

Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.

89:9

وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُواْ ٱلصَّخۡرَ بِٱلۡوَادِ

Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).

89:10

وَفِرۡعَوۡنَ ذِي ٱلۡأَوۡتَادِ

Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee lahaa (Boqortooyada iyo ciidammada tirada badan iyo dhismooyin dhaadheer iyo) tiirar ( xabsiyo la geeyo dadka oo lagu caddibo)?

89:11

ٱلَّذِينَ طَغَوۡاْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ

Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.

89:12

فَأَكۡثَرُواْ فِيهَا ٱلۡفَسَادَ

Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?

89:13

فَصَبَّ عَلَيۡهِمۡ رَبُّكَ سَوۡطَ عَذَابٍ

Markaasuu (Alle) Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.

89:14

إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلۡمِرۡصَادِ

Hubaal Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.

89:15

فَأَمَّا ٱلۡإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكۡرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَكۡرَمَنِ

Aadmiga, markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.

89:16

وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيۡهِ رِزۡقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَهَٰنَنِ

Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.

89:17

كَلَّاۖ بَل لَّا تُكۡرِمُونَ ٱلۡيَتِيمَ

Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.

89:18

وَلَا تَحَـٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ

Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.

89:19

وَتَأۡكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكۡلٗا لَّمّٗا

Oo waxaad cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.

89:20

وَتُحِبُّونَ ٱلۡمَالَ حُبّٗا جَمّٗا

Oo aad jeceshihiin Maalka jaceyl daran.

89:21

كَلَّآۖ إِذَا دُكَّتِ ٱلۡأَرۡضُ دَكّٗا دَكّٗا

Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,

89:22

وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلۡمَلَكُ صَفّٗا صَفّٗا

Oo (Allaah) Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.

89:23

وَجِاْيٓءَ يَوۡمَئِذِۭ بِجَهَنَّمَۚ يَوۡمَئِذٖ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكۡرَىٰ

Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?

89:24

يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي قَدَّمۡتُ لِحَيَاتِي

Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).

89:25

فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٞ

Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.

89:26

وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٞ

Cidna wax uma xidho (si adag sida), Xidhidda (Alle) oo kale.

89:27

يَـٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفۡسُ ٱلۡمُطۡمَئِنَّةُ

(Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.

89:28

ٱرۡجِعِيٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةٗ مَّرۡضِيَّةٗ

U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.

89:29

فَٱدۡخُلِي فِي عِبَٰدِي

Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.

89:30

وَٱدۡخُلِي جَنَّتِي

Gal Jannadeyda.

← Al-qaashiyahAl-balad →
Al-fajrMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda