Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Beledweyne kaga qeyb gelay munaasabadda lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay aas-aaska maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, ayaa Beledweyne kaga qeyb galay munaasabadda lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeysigii Faransiiska. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Cismaan Dubad, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha […]