Wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi oo ku geeriyooday Baydhabo
Baydhaba, Soomaaliya: Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ku geeriyooday wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka howlgallayay warbaahinta Arlaadi Media, kaddib markii uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray dagaalkii 3-dii bishan September ka dhacay gudaha magaalada. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed […]