Arday, Form4 ka Puntland Oo Maanta u Furamay Imtixaanka Shahaadiga 2026
Kusimaha Puntland oo furay imtixaanka 25,221 arday Garoowe, 30 May 2026 – Kusimaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, kaas oo ay fariisteen 25,221 arday oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka. Imtixaankan shahaadiga ah ee […] The post Arday, F
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kusimaha Puntland oo furay imtixaanka 25,221 arday Garoowe, 30 May 2026 – Kusimaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, kaas oo ay fariisteen 25,221 arday oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka.
Imtixaankan shahaadiga ah ee sanadlaha ah ayaa muhiim u gaar ah xilligan, maadaama uu yahay mid lagu qiimeynayo heerka waxbarashada ee ardayda ka soo baxda dugsiyada Puntland, iyadoo dowladdu ay horumarinayso hababka imtixaanka si loo hubiyo tayo iyo sinaan. Kusimaha madaxweynaha ayaa xusay in shaqooyinka dowliga ah iyo adeega bulsho uu si wanaagsan u socdo, taasoo muujinaysa xasilloonida maamulka.
“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan,” ayuu yiri Ilyas Osman Lugatoor isagoo ku hadlayay furitaanka imtixaanka. “Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka waxbarashada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ardayda reer Puntland u heli lahaayeen waxbarasho iyo imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso.”
Kusimaha madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maamulka Dugsiyada, macallimiinta, ardayda, waalidiinta iyo dhammaan howl-wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada, isagoo sheegay in dowladdu ka go’an tahay sidii ardaydu u heli lahaayeen fursado waxbarasho oo sinnaan ku dhisaysan. Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu gacantiisa ugu qaybiyey ardayda imtixaanka, isagoo u rajeeyay in Alle u fududeeyo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan