Arday ku dhaawacmay isku dhac ka dhacay Buurtinle
Ilaa saddex arday ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska ee sugayay amniga imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland iyo… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ilaa saddex arday ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska ee sugayay amniga imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland iyo qaar ka mid ah ardayda degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Dhaawacyada ardayda oo rasaas sababtay ayaa la geeyay isbitaalka degmada Buurtinle, waxaana la soo sheegayaa in mid ka mid ah xaaladiisu culus tahay.
Dhacdadan dhaawaca sababtay waxay ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Buurtinle, iyada oo aysan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay.
Deegaannada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka socda imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kaas oo ay u fariisteen 25,221 arday.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan