Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Puntland Postsecurity

Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada daraawiishta Jubaland ee… Sii akhri

SO
Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab
Sawir / xog muuqaal ah · Puntland Post
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Puntland Post

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada daraawiishta Jubaland ee ka howlgala aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ciidanka daraawiishta Jubaland heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca deegaannada Jubaland, isaga oo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo sidii shacabka reer Jubaland ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-gallo lagu wareegayo deegaannada Jubaland ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab, isaga ciidamada ku dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan waajibaadkaas qaran ee horyaalla, si looga miro dhaliyo himilooyinka shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka xasillooni, amni iyo nabad waarta.

PUNTLAND POST

Isha: Puntland Post. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Puntland Post
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliasecuritysecurityaxmedmadoobe
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.