Babbo, Babbo Calanyahow!
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda waddaniyadda iyo midnimada Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada dabaaldegga Maalinta Xorriyadda iyo Maalinta Midnimada ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo sanad walba.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sannad walba 26ka Juun iyo 1da Luulyo, Soomaaliya iyo dadkeeduba waxa ay ku xadreeyaan dareen waddaniyadeed, iyada oo guud ahaan ummaddu ay u dabbaaldegto maalmaha xorriyadda iyo maalinta midnimada labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur.
- Waxaa taas la mid Maalinta Calanka, ee Maanta oo kale loo dabbaaldego sannad kasta.
- Dabcan, weli ma joogno meel aan ugu danbayn ku ciidno nabad iyo horumar, balse ahaanshaha qaran madaxbannaan, xor ah, dawlad leh oo nidaam federaal ah ku shaqeeya, isjacaylka shacabka iyo rabitaanka midnimo ummadeed ayaa ah barbilow aynu hore uga sii dhaqaaqi karno, horumarka dalkeennana ku qaabayn karno.
- Cawaale, calankaan la hadlayaaye: Sarreeyow calankaygow, summaddii waddankaygow, calankii Soomaaliyeed ee aan jeclahayow, intaan eeganayo babbashadaada, waan hiyikacayaa oo waxaan dareemayaa han iyo bogaadin sare.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee la qorsheynayo xilliga soo socda ee Maalinta Xorriyadda?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
Maqaalku wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda waddaniyadda iyo midnimada Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada dabaaldegga Maalinta Xorriyadda iyo Maalinta Midnimada ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo sanad walba.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Waxaad tahay gabal maro ah, laakiin wax badan ayaad calaamadsanaysaa…
Sannad walba 26ka Juun iyo 1da Luulyo, Soomaaliya iyo dadkeeduba waxa ay ku xadreeyaan dareen waddaniyadeed, iyada oo guud ahaan ummaddu ay u dabbaaldegto maalmaha xorriyadda iyo maalinta midnimada labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur. Dabbaaldeggaas waxaa lagu xusaa maalmihii taariikhiga ahaa ee lagu dhawaaqay xorriyadhelka iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed 1960kii, xilligaas oo dalku ka xoroobay gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Waxaa taas la mid Maalinta Calanka, ee Maanta oo kale loo dabbaaldego sannad kasta. Inkastoo muddo kaddib la kala yaacay, midnimadiina luntay, haddana, wixii xorriyad-helkaas ka danbeeyay, maalmahani waxa ay noqdeen mid ay Soomaalidu ku milicsadaan hiddahooda dawladdhis, farxad ku heesaan, xorriyaddoodana xurmeeyaan oo u dammaashaadaan.
Dabcan, weli ma joogno meel aan ugu danbayn ku ciidno nabad iyo horumar, balse ahaanshaha qaran madaxbannaan, xor ah, dawlad leh oo nidaam federaal ah ku shaqeeya, isjacaylka shacabka iyo rabitaanka midnimo ummadeed ayaa ah barbilow aynu hore uga sii dhaqaaqi karno, horumarka dalkeennana ku qaabayn karno. Rejaa weli nool!
Cawaale, calankaan la hadlayaaye: Sarreeyow calankaygow, summaddii waddankaygow, calankii Soomaaliyeed ee aan jeclahayow, intaan eeganayo babbashadaada, waan hiyikacayaa oo waxaan dareemayaa han iyo bogaadin sare. Marmar waan kaa quustaa; kuwa ku matala ayaa ikaa nacsiiya, darnaanta xaaladaha iyo diifta shacabka ayaa i quusisa, se waan kari waayay in aan kaa quusto.
Inkastoo aad tahay gabal maro ah, haddana wax badan ayaad u taagantahay oo aad muujisaa. Maanta oo ay ku beegan maalintii lagu curiyay ee aad ummad dhan u noqotay calan ay majeertaan—Soomaali—waxaan rabaa in aan kuu runwarramo. Haddii aan qiiroodo, keliya waa jacaylka aan kuu qabo; haddii aan ku canaanto, waa rejada aan kaa qabo; haddii aan ku ammaano, waa runnimadaada.
Cawaalow calankaygow, waxa aad marag ka ahayd halgankii iyo guulihii uu qarankeennu soo maray. Macnaha astaantaada iyo midabkaaga cirka buluugga ah u eg, ee xiddigta cadna dhexda ku leh, waa summad qaayo badan oo si aan gabbasho lahayn u tilmaamaysa shantii Soomaaliyeed—Soomaaliweyn. Waxaad ka maragkacdaa, had iyo jeer, meerisyadii uu geeraarshihii weynaa, waa Cabdullaahi Suldaan Timacadde, kugu qeexayay, markuu lahaa:
“Calankaannu sugaynayee
Sahankiisa ahaynow!
Seermaweydo hillaacdayow!
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow!
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow!
Samada kii u ekaaye
Xiddigaa mid la siiyayow!
Saaxirkii kala guuryaye
Sarreeyow ma nusqaamow!
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar!”
Waxa aad babbanaysay xilliyo badan oo aan hoostaada dhiig ku daadinaynay, adiguse aad bir dheer ka lulmaysay, adiga oo dunida tusayay in ummadi ku hoos harsato. Waqtiyadii adkaa ee isdooxa, nacaybka, dagaalladii sokeeye iyo caqabadihii jiray oo dhanba, waxa aad ahayd iftiin rejo noo tilmaama, oo ina xusuusiya midnimadeenna, haybta aynu nahay iyo adkaysiga qarannimo.
Cawaale, waan ogahay in aad leedahay cadow badan. Waxaa jira duulal jiritaankaaga iyo taariikhdaada dafirsan, duulal dhulkaaga iyo xeebahaaga raba, kuwo kuu dhow iyo kuwo kaa fogba.
Hasayeeshee, waxa aad ka dhigantahay riyooyinka iyo rabitaanka malaayiinta shacabka Soomaaliyeed, kuwa haddeer iyo faca danbaba. Waxaa kugu dhigan miisaanka taariikhdeenna, hiddaheenna iyo jiritaankeenna.
Adigaas cir caad la’ u eg, ee dhexda xiddigga cad ku leh, waxa aad ka dhigantahay ruuxda ummaddeenna. Waxa aad ina xusuusinaysaa qiyamkeenna iyo jiritaanka aynu wadaagno, waxa aadna xoojinaysaa adkaysigeenna iyo dulqaadkeenna.
Babbo, Cawaale, babbo!
Cawaale, waan ogahay in lagugu sheego, duniduna kuu taqaan tuke canbaar leh, oo keliya la dhegaysto hal dhinac oo sheekadaada ah. Sida ay Afrika uga weriyaan hal dhinac oo ay ku tilmaamaan in Afrika oo dhanba ay tahay hal waddan oo faqri iyo cudurro daashadeen, goob ba’day iyo geeri-dhaan nololeedna ay tahay, ayaan ogahay in sidaas oo kale ay kaa tebiyeen hal sheeko oo ah in Soomaaliya tahay meesha ugu khatarta badan iyo halka ugu xun ee lagu noolaado.
Waan ogahay in dadkaaga qaarkiis, kuwa ku hoos harsada, ay sheekadaas rumaysteen. Waxaanse diyaar u ahay in aan soo bandhigo sheekooyinkaaga iyo in aad leedahay in ka badan hal sheeko.
Halkaa iyo halkeerba waxa aan ka sheegi doonaa sheekadaada. Waa ballan, Cawaale.
Waxa aan kuu ballanqaadayaa, calanyahow, in aan daacad ku noqon doono, oo aanan qabkaaga iyo qiimahaaga wiiqi doonin, in aan ku sheegan doono, dunidana kuugu faani doono. Intaas ma aha e, waxa aan sidoo kale kuu ballanqaadayaa in aan noqon doono muwaadin mas-uul ah, canshuurbixiye ilaaliya mabaadi’da aad matasho, codeeye doorta midka ugu mudan ee adiga iyo dadkaagaba u roon.
Cawaale, waxa aan ballanqaadayaa in aan ka qaybqaadan doono horumarka dadka aad matasho. Carruurtaada waxbariddoodu waa ii mudnaanta koowaad, dhallinyaradaada iyo haweenkaaguna waa qorshaha labaad. Raadinta iyo u doodidda caddaaladda iyo nabaddu waa hawl aan isku diray. Kobcinta dhaqaalaha, qiimahaaga lacageed iyo dawlad-dhiskaaguba maanka ayay iigu qoranyihiin.
Haddii aan arko astaantaada duni wada calamo ah, waan ku salaami doonaa, oo waan kuu istaagi doonaa. Waa ballan.
Laakiin, Cawaalow, adna ii ballanqaad in aanan daraaddaa hoosaysiin mudan doonin. Si hufan ayaan kuugu adeegi doonaa e, adna iigu dhaami sidaas oo kale. I sii, aan ku siiyo e!
Maanta iyo waligeenba, waxaan kaa codsanayaa, Cawaalow, in aad sii ahaato astaanta midnimada iyo nabadda. Quruxdaada iyo qiimahaaga, astaantaada muujinaysa awoodda iyo geesinnimada, midnimada iyo ummadnimada, Soomaalinnimada iyo qabka, waddaniyadda—midabbadaadu ha ahaadeen is-oggolaanta iyo wadanoolaanshaha ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban, colaadaha iyo xintankana ka caaggan.
Si sharaf leh u lulo, oo u gacanhaati, kuna dhiirri dadkaaga in ay midoobaan, si ay uga gudbaan dhibka, una dhistaan mustaqbal wanaagsan.
Lulo, lulo calanyahow, lulo! Midabbadaadu ha muujiyeen adkaysiga iyo kartida ummadda Soomaaliyeed. Daraaddaa, calanyahow, hirarku xuduudaha ha goosheen, socdaallada dhul iyo cirna ha ruqaansadeen, oo ha keeneen heshiisyo waxtar leh iyo isfahan quruumaha dunida ah. Dadkaagu ha garowsadeen dantooda iyo dawladnimada, tartanka ummadeed ee jirana ha ku baraarugeen.
Babbo, si weyn u babbo, babbo oo i matal!
WQ: Suad Arif
Qore
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda waddaniyadda iyo midnimada Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada dabaaldegga Maalinta Xorriyadda iyo Maalinta Midnimada ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo sanad walba.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan dhacdooyinka ama tirakoobka la xiriira dabaaldegga.
- Ma jiraan wax hadallo toos ah oo ka yimid mas'uuliyiin ama ilo wareedyo si loo xaqiijiyo sheegashooyinka maqaalkan.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada laga yaabo inay aragtiyo kala duwan ka qabaan dabaaldegga.
Gunaanadka akhristaha
Maqaalku wuxuu muujinayaa muhiimadda aqoonsiga qaran iyo midnimada Soomaaliya inta lagu jiro dabaaldegga taariikheed ee muhiimka ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee la qorsheynayo xilliga soo socda ee Maalinta Xorriyadda?
- Sidee ayay bulshooyinka kala duwan ee Soomaaliya u arkaan dabaaldegga qaran?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo hubiyo amniga inta lagu jiro dabaaldegga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · babbo · calanyahow · gabal
Sii akhri
- Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dabaaldegey xuska 72aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Shabelle Media
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska Maalinta Calanka + Sawirro
Caasimada Online