Beel cudud ciidan kusoo bandhigtay Beledweyne oo ka hortimid HirShabelle
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiBeesha Afar Makane ayaa soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo ku sugan Beledweyne kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWuxuu ugaaska ku baaqay ayaa diyaar u nahay,” ayuu yiri Camba Gooye.
- Ciidamadan oo wata hubka AK47 waxaa sidoo kale safafkooda ka dhex muuqday haween hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diidan yihiin maamulka HirShabeelle, isla markaana ay garab taagan yihiin dadaallada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
- Mowqifka beesha ayaa sidoo kale lagu caddeeyay war-murtiyeed ay soo saartay, iyadoo lagu sheegay in Makane aysan ku qanacsanayn awood-qaybsiga ka jira HirShabeelle iyo maqnaanshaha jagooyinka kale ee siyaasadeed iyo kuwa maamul ee ay beeshu sheeganayso inay xaq u leedahay.
- War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in beesha Makane ay xaq u leedahay inay si madax-bannaan uga tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed, ayna dib u qiimeynayso xiriirkeeda siyaasadeed ee HirShabeelle, iyadoo taageero siin karta dhinac kasta oo tixgelinaya tabashadeeda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka xiisadaha u dhexeeya beesha Afar Makane iyo maamulka HirShabeelle, taasoo saameyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee beesha Afar Makane qaadi doonto ka dib bandhiggan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamadan oo wata hubka AK47 waxaa sidoo kale safafkooda ka dhex muuqday haween hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diidan yihiin maamulka.
- beesha Makane ay garab taagan yihiin dadaallada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
- Cismaan Aadan Careys oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Makane ayaa sheegay inaysan jirin cid beeshooda ku matasha HirShabeelle.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Mowjad cusub oo looga soo horjeedo maamulka HirShabeelle ayaa ka soo cusboonaatay gobolka Hiiraan kadib markii beesha Afar Makane ay magaalada Beledweyne kusoo bandhigtay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Macawisleyda.
Ciidamadan oo wata hubka AK47 waxaa sidoo kale safafkooda ka dhex muuqday haween hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diidan yihiin maamulka HirShabeelle, isla markaana ay garab taagan yihiin dadaallada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Mowqifka beesha ayaa sidoo kale lagu caddeeyay war-murtiyeed ay soo saartay, iyadoo lagu sheegay in Makane aysan ku qanacsanayn awood-qaybsiga ka jira HirShabeelle iyo maqnaanshaha jagooyinka kale ee siyaasadeed iyo kuwa maamul ee ay beeshu sheeganayso inay xaq u leedahay.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in beesha Makane ay xaq u leedahay inay si madax-bannaan uga tashato mustaqbalkeeda siyaasadeed, ayna dib u qiimeynayso xiriirkeeda siyaasadeed ee HirShabeelle, iyadoo taageero siin karta dhinac kasta oo tixgelinaya tabashadeeda.
Cismaan Aadan Careys oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Makane ayaa sheegay inaysan jirin cid beeshooda ku matasha HirShabeelle, isaga oo ku adkeystay in dadka matalaya beesha ay tahay inay iyagu doortaan.
“Beesha Makane diyaar uma ahan inay matalan dad dulsaar ah oo dad jeebka ugu jiran, kuwa anaga matalaya waa inay Makane doortaan, wax HirShabeelle nagu matala malahan,” ayuu yiri Careys.
Dhanka kale, Cabdiwaajid Sheekh Nuuriyow (Camba Gooye) oo dhawaan iska casilay xilkii guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
“Hiiraan iyo qadiyadiisa, midnimadiisa iyo wadajirkiisa dadka wada nolosheena, wada dhalasheena ayay wadan, walaalaheenna HirShabeelle diiday, kor Allaha ka dhigo wixii reer Hiiraan dila ayaa na dila. Wuxuu ugaaska ku baaqay ayaa diyaar u nahay,” ayuu yiri Camba Gooye.
Beesha Afar Makane ayaa sidoo kale sheegtay inaysan raalli ka ahayn hannaanka awood-qaybsiga ee hadda ka jira HirShabeelle, iyadoo tilmaantay inay doonayso caddaalad, sinnaan iyo matalaad dhab ah.
Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo biiraya kacdoonno hore uga jiray gobolka Hiiraan oo ay wadaan qaar ka mid ah beelaha dega gobolka, kuwaas oo si cad uga soo horjeeda hannaanka lagu doortay hoggaanka HirShabeelle, waxaana tallaabadan ay sii xoojinaysa cadaadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Beesha Afar Makane ayaa soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo ku sugan Beledweyne kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle. Tani waxay sidoo kale ka mid tahay haween hubeysan oo muujiyay diidmada ay u hayaan maamulka iyo taageerada ay u hayaan dadaallada Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Qodobada muhiimka ah
- Beesha Afar Makane ayaa soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo ku sugan Beledweyne kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle.
- Ciidamadan oo wata hubka AK47 waxaa sidoo kale safafkooda ka dhex muuqday haween hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diidan yihiin maamulka.
- beesha Makane ay garab taagan yihiin dadaallada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
- Cismaan Aadan Careys oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Makane ayaa sheegay inaysan jirin cid beeshooda ku matasha HirShabeelle.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama helin jawaab ka timid maamulka HirShabeelle.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid wakiilada beesha iyada oo aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Beesha Afar Makane waxay si firfircoon uga soo horjeedaan maamulka HirShabeelle, taasoo muujinaysa suurtagalnimada rabshado siyaasadeed oo ka dhici kara gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee beesha Afar Makane qaadi doonto ka dib bandhiggan?
- Sidee ayuu maamulka HirShabeelle uga jawaabi doonaa diidmadaan?
- Maxay yihiin saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee Hiiraan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa kororka xiisadaha u dhexeeya beesha Afar Makane iyo maamulka HirShabeelle, taasoo saameyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · kusoo · bandhigtay · beledweyne
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle oo Beledweyne Kula Kulmay Wafdi ka Socda Dowladda Federaalka
Hiiraanweyn
- Beesha Makane oo ku biirtay mucaaradka sii kordhaya ee maamulka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan
Hiiraan Online
- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku socda dib-u-dhis iyo ballaarin ciidan oo aad u xooggan
Hiiraanweyn