Beesha caalamka oo bayaan culus ka soo saartay muranka doorashada Soomaaliya
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxayna ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadal, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. War-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay xubno ka tirsan beesha caalamka, kuna taariikheysan 1-da June […] The post

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxayna ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadal, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
War-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay xubno ka tirsan beesha caalamka, kuna taariikheysan 1-da June 2026, ayaa lagu sheegay in xaaladda hadda jirta ay u baahan tahay deganaan, wadahadal iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta xiisad horleh.
“Saxiixayaasha bayaankan wadajirka ah waxay walaac ka qabaan xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu billaabaan wadahadal, islamarkaana ay si degdeg ah heshiis uga gaaraan khariidad doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey bayaanku.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan