Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Beesha Cayr oo war-murtiyeed culus kasoo saartay doorashada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo magaalada Muqdisho ku yeelatay beesha Cayr ee Habar Gidir ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Galmudug, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed. Kadib wadatashi iyo doodo ay yeesheen ka qayb-galayaasha shirka, beesha Cayr ayaa ku baaqday in Dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo dhammaan waxgaradka deegaanka ay […] The post

SO
Beesha Cayr oo war-murtiyeed culus kasoo saartay doorashada Galmudug
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo magaalada Muqdisho ku yeelatay beesha Cayr ee Habar Gidir ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Galmudug, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Kadib wadatashi iyo doodo ay yeesheen ka qayb-galayaasha shirka, beesha Cayr ayaa ku baaqday in Dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo dhammaan waxgaradka deegaanka ay mudnaanta koowaad siiyaan, isla markaana xil gaar ah iska saaraan, ilaalinta nabadgelyada, xasilloonida, midnimada, iyo wadajirka Galmudug.

“Beesha Cayr waxay garwaaqsatay in ay jiraan khataro saameyn ku yeelan kara nabadda, xasilloonida, iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, haddii aan marxaladdan xasaasiga ah looga gudbin wadahadal, is-afgarad, iskaashi, iyo is-tanaasul,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka beesha beesha Cayr.

Beesha ayaa dalbatay in si degdeg ah loo qabto doorasho madax-bannaan, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran, maadaama uu dhammaaday muddo-xileedkii sharciga ahaa ee maamulka Galmudug, dalkuna galay marxalad kala-guur siyaasadeed.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralbeeshacayrgalmudug
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.