Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo qabtay Haweeney Xaday Ilmo Lix Bilood jiro.
Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Hay’adaha amniga magaalada Awaday ee Deegaanka Oromiya, ayaa soo qabtay Jaaltu Maxamed, oo ku eedaysan ilmo lix bilood ah oo ay la baxsatay. Eedaysanadan, ayaa ilmaha Suuqa kaga soo qaaday Hooyadii dhashay oo mehered ku haysatay suuqa, maadaama ay eedaysanadu u shaqaynaysay, xaafad ay […] The post Booliska Dowlada

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Hay’adaha amniga magaalada Awaday ee Deegaanka Oromiya, ayaa soo qabtay Jaaltu Maxamed, oo ku eedaysan ilmo lix bilood ah oo ay la baxsatay.
Eedaysanadan, ayaa ilmaha Suuqa kaga soo qaaday Hooyadii dhashay oo mehered ku haysatay suuqa, maadaama ay eedaysanadu u shaqaynaysay, xaafad ay jaar yihiin, sidaana loogu aaminay, wuxuuna qorshuhu ahaa inay ilmaha xaafada gayso balse nasiibdaro way la baxsatay waxayna la tagtay Magaalada Awaday.
Booliska Deegaanka, oo kaashanaya shacabka iyo Booliska Magaalada Awaday, ayaa ku guulaystay in la helo ilmaha iyo eedaysanaha, ka dibna, waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Jigjiga.
Booliska oo adeegsanaya baadhitaan iyo xirfadaha shaqada Booliska ayaa ku guuleystay soo helidda ilmaha, waxayna boolisku ilmaha ku wareejiyeen hooyadii dhashay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.