Boqolaal askari ah oo milatariga Soomaaliya oo loo qaaday Addis Ababa kadib markii…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa u wareejisay 220 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya kadib markii dhawaan lagu qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Askartan oo muddo lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in shalay lagu qaaday basas ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo u gudbiyay caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.
- Ciidamadan ayaa ka mid ahaa askartii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii August tababarka ugu soo xiray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo hoos taga maamulka Galmudug.
- Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan qabashada askartan iyo tallaabada Itoobiya ay ugu wareejisay Addis Ababa, iyadoo arrintani ay dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdooda iyo sababta halkaas loogu qaaday.
- Dhanka kale, saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay aaminsan yihiin in ciidamadaas ay tababartay dowladda Masar, isla markaana ay ku sii jeedeen deegaannada maamulka Jubaland.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin xaaladaha hadda ee askarta la qabtay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Askartan oo muddo lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in shalay lagu qaaday basas ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.
- saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay aaminsan yihiin in ciidamadaas ay tababartay dowladda Masar.
- Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan qabashada askartan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa u wareejisay 220 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan ku qabatay gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, xilli ay fasax ku joogeen halkaas.
Askartan oo muddo lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in shalay lagu qaaday basas ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo u gudbiyay caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.
Ciidamadan ayaa ka mid ahaa askartii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii August tababarka ugu soo xiray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo hoos taga maamulka Galmudug.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan qabashada askartan iyo tallaabada Itoobiya ay ugu wareejisay Addis Ababa, iyadoo arrintani ay dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdooda iyo sababta halkaas loogu qaaday.
Dhanka kale, saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay aaminsan yihiin in ciidamadaas ay tababartay dowladda Masar, isla markaana ay ku sii jeedeen deegaannada maamulka Jubaland.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya wajahayo xiisado, kaddib markii ay labada dowladood isku khilaafeen arrimo la xiriira gobolka iyo isbahaysiyada siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan muujisay caro la xiriirta mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh ee xiriirka uu la leeyahay Masar iyo Ereteriya. Wararka laga helayo dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya in Addis Ababa ay tallaabooyinkaas u aragto kuwo khatar ah oo ka hor imaanaya danaha ay gobolka ka leedahay.
Wareejinta askartan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan loollanka siyaasadeed iyo kan amni ee gobolka. Si kastaba, waxaa weli la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta loo qabtay ciidamada, xaaladdooda hadda iyo wada-hadallada labada dowladood ee arrintan la xiriira.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa u wareejisay 220 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya kadib markii dhawaan lagu qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa u wareejisay 220 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya kadib markii dhawaan lagu qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
- Askartan oo muddo lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in shalay lagu qaaday basas ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.
- saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay aaminsan yihiin in ciidamadaas ay tababartay dowladda Masar.
- Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan qabashada askartan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo war rasmi ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan qabashada askartan.
- Eedeymaha ku saabsan in askartan ay tababartay dowladda Masar waxaa lagu sheegay saraakiil amni oo aan la magacaabin.
- Maqaalku ma jiraan jawaabo ka yimid dowladda Soomaaliya ama milatariga oo ku saabsan xaaladdan.
Gunaanadka akhristaha
Wareejinta askarta Soomaaliyeed ee Addis Ababa waxay dhalinaysaa su'aalo ku saabsan daryeelka ay heli doonaan iyo saamaynta ay ku yeelan doonto xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin xaaladaha hadda ee askarta la qabtay?
- Maxay yihiin sababaha gaarka ah ee dowladda Itoobiya u bixisay wareejinta?
- Sidee ayey wareejintani u saameyn doontaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · addis · soomaaliya · ababa
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada