Cali Cabdullaahi Cosoble oo geeriyooday
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa geeriyooday dalka Masar kaddib xanuun muddooyinkii dambe hayay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMaalmo kaddib caleema-saarkii Guudlaawe ee 8-dii November oo uu ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, odayaasha dhaqanka ee Beledweyne ayaa qaadacay natiijada, iyagoo ku baaqay shirweyne beelaha gobolka ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Hiiraan.
- Go’aan la gaarayMaamulkiisa ayaa hirgeliyay doorashada senatarrada Hirshabelle, halka guddi uu magacaabay ay maamuleen soo xulista 37 xildhibaan oo ka mid noqday Golaha Shacabka.
- Siyaasigan ruug-caddaaga ah ee ka midka ahaa aasaasayaashii maamulka Hirshabelle ayaa waayadii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay isbitaal ku yaalla dalka Masar, sida uu sheegay qof ku dhow qoyskiisa.
- Cosoble ayaa taariikhda galay sanadkii 2016-kii markaas oo uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee maamul-goboleedka ugu da’da yar ee ku soo biiray nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda gobolka xitaa markii uu xafiiska ka tagay kaddib.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faahfaahinta gaarka ah ee xanuunka sababay geeridiisa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabelle.
- Wuxuu saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda gobolka xitaa markii uu xafiiska ka tagay kaddib.
- Cosoble ayaa hoggaamiyay wafdi Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha haatan ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)...
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa fiidnimadii Axadda ku geeriyooday dalka Masar kaddib xanuun muddooyinkii dambe hayay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.
Siyaasigan ruug-caddaaga ah ee ka midka ahaa aasaasayaashii maamulka Hirshabelle ayaa waayadii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay isbitaal ku yaalla dalka Masar, sida uu sheegay qof ku dhow qoyskiisa.
Cosoble ayaa taariikhda galay sanadkii 2016-kii markaas oo uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee maamul-goboleedka ugu da’da yar ee ku soo biiray nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda gobolka xitaa markii uu xafiiska ka tagay kaddib.
Ilaa geeridiisa, wuxuu guddoomiye u ahaa Golaha Siyaasadda ee Beesha Xawaadle, wuxuuna door muuqda oo muran dhaliyay ka ciyaaray doorashooyinkii adkaa ee dhowaan ka dhacay Hirshabelle.
Mowqifkiisii siyaasadeed iyo doorashadii Hirshabelle
Bishii September ee sanadkan, Cosoble ayaa hoggaamiyay wafdi Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha haatan ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), oo toban sano ka hor ahaa madaxweyne ku-xigeenkiisa.
Golaha uu hoggaaminayay Cosoble ayaa si rasmi ah u taageeray in Guudlaawe dib loogu doorto muddo xileed labaad, isagoo sidoo kale garab istaagay musharraxnimada guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax—oo ka socday xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP)—si uu u noqdo madaxweyne ku-xigeen.
Cosoble ayaa xilligaas ku dooday in isbahaysigaasi uu isku soo dhoweyn karo bulshada kala qaybsan ee maamulkaas.
Kulankaas ayuu Cosoble ka sheegay in jagooyinka sare ee siyaasadda lagu saleeyo “karti, taageero bulsho iyo awoodda horumarinta,” halkii lagu xiri lahaa sheegasho beeleed oo keliya.
Hadalkaas ayaa si toos ah uga hor yimid mowqifka odayaasha dhaqanka ee beeshiisa Xawaadle ee ku sugan Hiiraan, kuwaas oo ku doodayay in xilka madaxweynaha uu u wareego dhankooda, dalbadayna heshiis siyaasadeed ka hor inta aan wax doorasho ah la qaban.
Inkastoo uu jiray qaadacaaddaas, xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle ee ku shiray Jowhar 24-kii October ayaa mar kale Guudlaawe u doortay muddo shan sano ah, halka Afrax loo doortay ku-xigeenkiisa.
Maalmo kaddib caleema-saarkii Guudlaawe ee 8-dii November oo uu ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, odayaasha dhaqanka ee Beledweyne ayaa qaadacay natiijada, iyagoo ku baaqay shirweyne beelaha gobolka ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Hiiraan.
Aasaaskii Hirshabelle iyo xil-ka-qaadistiisii
Taariikhda siyaasadeed ee Cosoble ayaa si dhow ugu xiran dhalashadii adkayd ee Hirshabelle, taas oo lagu mideeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si ay u noqoto maamul-goboleedkii ugu dambeeyay ee la dhiso ka hor doorashooyinkii qaranka ee 2016–2017.
In kasta oo dastuurka ku-meel-gaarka ah uu ogolaa in laba gobol ama ka badan ay si ikhtiyaari ah u midoobaan, haddana qorshahaas wuxuu kala kulmay diidmo xooggan qaar ka mid ah odayaasha Hiiraan. Xiisaddaas oo jirta, odayaasha dhaqanka ayaa soo xulay baarlamaan goboleed oo 17-kii October 2016 ku kulmay magaalada Jowhar.
Cosoble ayaa ku guuleystay xilka madaxweynaha kaddib markii uu 61 cod kaga adkaaday Maxamed Cabdi Waare oo helay 36 cod, halka xildhibaannadu ay Guudlaawe u doorteen madaxweyne ku-xigeen.
“Hirshabelle dib u dhici mayso,” ayuu Cosoble ka yiri munaasabaddii caleema-saarkiisa shan maalmood kaddib, isagoo ballan-qaaday in maamulku uu wada-hadal ku soo dooran doono xubnihiisa Aqalka Sare.
Maamulkiisa ayaa hirgeliyay doorashada senatarrada Hirshabelle, halka guddi uu magacaabay ay maamuleen soo xulista 37 xildhibaan oo ka mid noqday Golaha Shacabka. Sidoo kale, wuxuu horraantii 2017-kii ku guuleystay inuu dhiso golihii wasiirrada ee ugu horreeyay oo ka koobnaa 52 xubnood, kaddib markii laga gudbay muran ku saabsanaa saami-qaybsiga beelaha.
Si kastaba, muddo xileedkiisu ma sii waarin; 14-kii August 2017 ayay xildhibaannadu codka kalsoonida kala laabteen iyagoo ku eedeeyay waxqabad la’aan iyo wada-tashi la’aan.
Cosoble ayaa xilligaas ku dooday in xil-ka-qaadistiisu ay baal-marsanayd dastuurka maamulka, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay. Waxaa xilka kaga dambeeyay Maxamed Cabdi Waare, kaddibna Cali Guudlaawe sanadkii 2020-kii.
Taariikh nololeedkiisa iyo waayihiisii hore
Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii bishii June sanadkii 1961-kii, wuxuuna ku soo barbaaray qoys caan ku ahaa siyaasadda Soomaaliya.
Aabbihiis, Cabdullaahi Cosoble Siyaad, wuxuu soo noqday Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta dowladdii Maxamed Siyaad Barre sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, halka awoowgiis dhinaca hooyada, Axmed Geelle, uu ahaa Wasiirkii Cadaaladda ka hor xukunkii milatariga.
Waxbarashadiisa sare wuxuu ku qaatay dalka Mareykanka, isagoo shahaadada koowaad (Bachelor’s degree) ee cilmiga dhaqaalaha beeraha ka qaatay Jaamacadda Sam Houston State University ee gobolka Texas.
Shaqadiisa wuxuu ka soo bilaabay Bankiga Horumarinta Soomaaliya ka hor inta uusan u wareegin dhinaca arrimaha bani’aadannimada. Wuxuu magaalada Beledweyne uga soo shaqeeyay hay’adda Oxfam-Quebec, markii dambena wuxuu noqday wakiilka hay’addaas u qaabilsan Soomaaliya oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi.
Siyaasadda heer qaran wuxuu si rasmi ah ugu biiray sanadkii 2004-tii, isagoo xubin ka noqday Baarlamaankii Ku-meel-gaarka ahaa ee Soomaaliya ilaa sanadkii 2012-kii.
Intii uu baarlamaanka ku jiray, waxaa sanadkii 2005-tii loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, isagoo markii dambena noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha kaddib isku-shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa geeriyooday dalka Masar kaddib xanuun muddooyinkii dambe hayay.
Qodobada muhiimka ah
- Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa geeriyooday dalka Masar kaddib xanuun muddooyinkii dambe hayay.
- Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabelle.
- Wuxuu saameyn xooggan ku lahaa siyaasadda gobolka xitaa markii uu xafiiska ka tagay kaddib.
- Cosoble ayaa hoggaamiyay wafdi Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha haatan ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)...
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu sheegayaa geerida Cali Cabdullaahi Cosoble iyadoo lagu saleynayo macluumaad ka yimid ehelladiisa.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan duruufaha ku xeeran geeridiisa.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid shaqsiyaad ama dhinacyo kale oo siyaasadeed.
Gunaanadka akhristaha
Geerida Cali Cabdullaahi Cosoble waxay calaamad u tahay luminta shaqsi muhiim ah oo ka tirsan siyaasadda Hirshabelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin faahfaahinta gaarka ah ee xanuunka sababay geeridiisa?
- Sidee ayey geeridiisu u saameyn doontaa siyaasadda Hirshabelle?
- Maxaa qorshe ah oo loo sameynayaa aaska iyo xuska geeridiisa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · geeriyooday · cali · cabdullaahi
Sii akhri
- Wasiir ka tirsan Puntland oo ka soo muuqday liiska golaha wasiirrada Galmudug
Puntland Post
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi ka Socda Shirkadda SONATRACH ee Aljeeriya, Kana Hadlay Iskaashiga Shidaalka Soomaaliya
Hiiraanweyn
- Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda shirkad ka shaqaysa soo saarista shidaalka iyo gaaska
Puntland Post