Ciidamada AUSSOM oo kulan dhiirrigelin iyo bilado guddoonsiin ah ku yeeshay Muqdisho
Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka […

Amb. El Hadji Ibrahima Diene ayaa Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Maxaa la shaaciyey
- Munaasabadda ayaa lagu sharfay ciidamada Battle Group 43 tan iyo bishii Febraayo 2025.
- Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.
- Ciidamada UPDF ee Battle Group 47 ayaa si rasmi ah ula wareegay howlaha Battle Group 43.
“Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda, naf-hurnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyo sida ay u taageerayaan amniga dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka iyo adeegga ay bixiyeen ciidamada Battle Group 43 tan iyo bishii Febraayo 2025, iyagoo door muuqda ka qaatay howlaha nabad ilaalinta, sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya.
Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda, naf-hurnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay ciidamada Midowga Afrika ka leeyihiin taageerada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka amni darrada.
Xafladda ayaa sidoo kale ahayd munaasabad lagu wareejinayay maamulka iyo waajibaadka howlgalka, iyadoo ciidamada UPDF ee Battle Group 47 ay si rasmi ah ula wareegeen howlaha ay horay u hayeen Battle Group 43 ee howlgalka AUSSOM.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan