Ciidamada Uganda ee AUSSOM oo ka baxay Baraawe kuna soo jeeda Muqdisho
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa ka baxay Baraawe kuna soo jeeda Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Booqashada Jeneraal Muhanga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Baraawe, iyo qiimeynta awoodda ay ciidamadu u leeyihiin fulinta waajibaadkooda ciidan.
- Taliyaha ayaa ammaanay xirfadda iyo dadaalka ciidamada Uganda, halka Taliyaha Qaybta Koowaad, Jeneraal Jackson Kayanja, uu bogaadiyay Kooxaha Dagaalka ee 44-aad iyo 45-aad, kuwaas oo uu sheegay inay si nidaamsan uga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen, isla markaana ay mas’uuliyadaha amniga ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
- Jeneraal Muhanga ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada Uganda ay ilaashadaan diyaargarowgooda hawlgal, xilli ciidamada Soomaaliya ay si tartiib-tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.
- Waxa uu taliyayaasha ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo bulshada deegaanka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga, loona xaqiijiyo xasilloonida goobaha laga fuliyay howlgalka.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka socda ee mas’uuliyadaha amniga Soomaaliya, taas oo muhiim u ah xasilloonida dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka amniga ee la qaadayo inta lagu jiro bixitaanka ciidamada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Jeneraal Kayanja Muhanga ayaa booqday ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya si uu u qiimeeyo xaaladdooda amni, diyaargarowga dagaal.
- Ciidamada Uganda ayaa mas’uuliyadaha amniga ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
- Ka bixitaanka ciidamada qaar ee Uganda iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga qarankeeda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baraawe – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda, Jeneraal Kayanja Muhanga, ayaa booqday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, si uu u qiimeeyo xaaladdooda amni, diyaargarowga dagaal iyo hannaanka ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliyeed.
Booqashada Jeneraal Muhanga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarka ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Baraawe, iyo qiimeynta awoodda ay ciidamadu u leeyihiin fulinta waajibaadkooda ciidan.
Taliyaha ayaa ammaanay xirfadda iyo dadaalka ciidamada Uganda, halka Taliyaha Qaybta Koowaad, Jeneraal Jackson Kayanja, uu bogaadiyay Kooxaha Dagaalka ee 44-aad iyo 45-aad, kuwaas oo uu sheegay inay si nidaamsan uga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen, isla markaana ay mas’uuliyadaha amniga ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
Jeneraal Muhanga ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada Uganda ay ilaashadaan diyaargarowgooda hawlgal, xilli ciidamada Soomaaliya ay si tartiib-tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Waxa uu taliyayaasha ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo bulshada deegaanka, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray dhinaca amniga, loona xaqiijiyo xasilloonida goobaha laga fuliyay howlgalka.
Dhanka kale, ciidamada Uganda ee toddobaadkii hore ka baxay magaalada Baraawe ayaa haatan ku sii jeeda magaalada Muqdisho, iyagoo safarkooda ku hakaday deegaanka Buulo Mareer, Iilaal iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Kolonyada ciidamada oo ku socda gaadiid gaashaaman ayaa soo maray deegaanno ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo safarkooda ka dhigaysa mid u baahan feejignaan amni.
Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo lagula jiray Al-Shabaab, isla markaana door ku lahaa howlgallada lagu xaqiijinayay amniga deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Ka bixitaanka ciidamada qaar ee Uganda iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga qarankeeda, iyadoo ciidamada AUSSOM ay sii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamada Soomaaliyeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa ka baxay Baraawe kuna soo jeeda Muqdisho. Jeneraal Kayanja Muhanga ayaa booqday ciidamada si uu u qiimeeyo xaaladdooda amni iyo diyaargarowga dagaal.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa ka baxay Baraawe kuna soo jeeda Muqdisho.
- Jeneraal Kayanja Muhanga ayaa booqday ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya si uu u qiimeeyo xaaladdooda amni, diyaargarowga dagaal.
- Ciidamada Uganda ayaa mas’uuliyadaha amniga ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
- Ka bixitaanka ciidamada qaar ee Uganda iyo wareejinta mas’uuliyadaha amniga ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga qarankeeda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ciidamada.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku saabsan wareejinta mas’uuliyadaha amniga.
- Faahfaahinta ku saabsan xaaladda amniga ee deegaannada wadada ma lagu darin.
Gunaanadka akhristaha
Ka bixitaanka ciidamada Uganda ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda amniga qarankeeda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka amniga ee la qaadayo inta lagu jiro bixitaanka ciidamada?
- Sidee ayey wareejinta mas’uuliyadaha amniga u saameyn doontaa xaaladda amniga deegaanka?
- Waa maxay waqtiga la filayo in si buuxda looga baxo ciidamada Uganda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa isbeddelka socda ee mas’uuliyadaha amniga Soomaaliya, taas oo muhiim u ah xasilloonida dalka. Ka bixitaanka ciidamada shisheeye ayaa si weyn u saameyn kara muuqaalka amniga.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · baraawe · aussom