Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Shabeellaha Dhexe
SHABEELLADA DHEXE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab [R

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
SHABEELLADA DHEXE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka tirsan gobolka.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo firxadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyo inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmahan sii xoojiyay howlgallada militari ee ka socda Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu beegsanayo sida ay sheegeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha hubeysan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan