Ciidanka DF oo howlgal ku dilay horjooge sare oo Al-Shabaab ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga. Howl-galka ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsanaa kooxda, iyadoo ciidamada ay […] The post Ciidanka

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Howl-galka ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsanaa kooxda, iyadoo ciidamada ay ku guuleysteen inay khaarajiyaan horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, Abuu Cabdalla wuxuu muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogahan ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarayay qorsheynta iyo hagidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socday qaybo ka mid ah gobolka, sida lagu sheegay warbixinta howlgalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan