Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Salaadda Ciidda ku oogay deegaanka Xaaji Cali

Soomaaliya, Shabelle Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, gaar ahaan Ururka 9-aad ee Guutadda 18-aad, ayaa maanta salaadda Ciidul Adxaa ku oogay deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabelle Dhexe, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Guutada 18-aad Qaybta 1-aad ee CXDS, Aadan Maxamed […]

SO
Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Salaadda Ciidda ku oogay deegaanka Xaaji Cali
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Soomaaliya, Shabelle Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, gaar ahaan Ururka 9-aad ee Guutadda 18-aad, ayaa maanta salaadda Ciidul Adxaa ku oogay deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabelle Dhexe, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 18-aad Qaybta 1-aad ee CXDS, Aadan Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada kala qeyb gashay tukashada salaadda ciidda, isagoo ciidamada kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa u diray geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutadda 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaasi oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, la dagaallanka cadowga iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay naf-hurnimada iyo geesinimada ay u muujiyeen waajibaadka qaran ee saaran, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee u taagan xoreynta iyo amniga dalka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralciidankaoogaysalaadda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.