Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Shabeellaha Dhexe
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, iyadoo ujeeddadiisu ahayd xoojinta amniga deegaannadaasi iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee ku dhuuma

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, iyadoo ujeeddadiisu ahayd xoojinta amniga deegaannadaasi iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaysa qaybo kamid ah gobolka.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno iyo dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyeen goobaha la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, si loo adkeeyo amniga loogana hortago falal amni-darro oo ay kooxdaasi qorsheyn karto.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baacsanayo firxadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga saaray kooxda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan