Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
(ERGO)– Kaltuumo Faarah Cusmaan, iyada iyo carruurteeda oo shan ah waxay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan deegaanka Buufow-bacaad oo ay tageen 15 bishii May, iyagoo faro maran. Qoyskeeda ayaa ka soo barakacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo salka ku haya muranka dhul beereed ku yaalla deegaanka Beder ee gobolka Shabeellaha Hoose. Haweenaydan ayaa tilmaamtay... The post Colaad

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
(ERGO)– Kaltuumo Faarah Cusmaan, iyada iyo carruurteeda oo shan ah waxay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan deegaanka Buufow-bacaad oo ay tageen 15 bishii May, iyagoo faro maran.
Qoyskeeda ayaa ka soo barakacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo salka ku haya muranka dhul beereed ku yaalla deegaanka Beder ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay ka fursan wayday inay albaabada u garaacdo dadka tuulada ay soo miciin bidden oo danyar ah. iyada oo waydiisanaysa inay raashin bisil siiyaan. Marka ay soo wayso ayay xustay inay ku qasbanaadaan inay qatooyo ku joogaan.
“Xaaladeena nololeed aad iyo aad ayay u liidataa. Waa iska rafaadsanahay wax la cunaayo meeshan ma yaalaan waala baahanyahay. 5 caruur agoon ah ayaan meeshaan ku heystaa. Wallaahii raashiin mar waala helaa mar waala waayaa. Hadda saan wax aan siiyo ma haayo inaan sidooda ku seexiyo ma ahane.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.